Muqdisho (Allbanaadir) – Warbixin cusub oo ka soo baxday ENACT Africa, oo ah barnaamij Midowga Yurub ah oo u heelan la-dagaallanka dambiyada abaabulan ee xuduudaha dhaafsiisan ee qaaradda, ayaa daaha ka qaadday sida kalluumeysiga sharci-darrada ah u baabi’inayo kheyraadka kalluunka Soomaaliya, una helis gelinayo keydka kalluunka jaalaha ah (yellowfin tuna) ee dalka.
Soomaaliya ayaa ku faanta xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo qaar ka mid ah goobaha kalluumeysiga ugu wax-soo-saarka badan ee Badweynta Hindiya. Hase yeeshee, waxay weli tahay meel ay aad ugu badan tahay kalluumeysiga sharci-darrada ah, ee aan la soo sheegin, oo aan la xakameynin (IUU).
Maraakiib shisheeye, oo ay ku jiraan kuwa ka yimaada Shiinaha, Iiraan, iyo Pakistan, ayaa kheyraadka dalka uga faa’iideysanaya iyagoo adeegsanaya hab jillaabasho oo xaalufin ah, kuwaas oo yareeyay keydka kalluunka.
Dhaleeceynta ayaa lagu muujiyey in maamulka badda oo daciif ah, musuq-maasuqa, iyo heshiisyada si liidata loo dhaqan geliyo ay yihiin qodobada ugu muhiimsan ee awoodda siinaya dhibaatada ay wadaan dalalkan.
Kalluunka jaalaha ah (Yellowfin tuna), oo ah nooc qiimo sare ku leh suuqyada caalamka, ayaa wajahaaya burbur dhaqaale oo halis ku ah dhaqaalaha Soomaaliya iyo amniga cunnada ee gobolka iyo adduunka labadaba.
Khabiiradu waxay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, keydka kalluunka jaalaha ah uu hoos u dhici karo 70% tobanka sano ee soo socda gudahood, xaalad noocaas ah oo keeni doonta cawaaqib xumo aad u daran oo saameyn doonta bulshooyinka ku tiirsan kalluumeysiga.
Soomaaliya ayaa hadda sanad kasta waxay kalluumeysiga sharci-darrada ah ku lumisaa dhaqaale dhan $300 milyan sanadkii.
Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa muddo dheer lala xiriirinayay falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Muddo sanado ah, kooxaha fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin, oo aan la xakameynin (IUU) u sababeeyay afduubkooda maraakiibta shisheeye.
Maamul-xumada Soomaaliya ayaa ka dhigtay mid u nugul in laga faa’iideysto. Tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah iyo xasillooni-darro ayaa wiiqay awooddeeda ay ku ilaalin lahayd kuna nidaamin lahayd biyaha ay maamusho si wax ku ool ah.
Sharciga Kalluumeysiga Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo qeexaya qawaaniin adag oo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah, ayaa inta badan waxaa wiiqa musuqmaasuqa iyo iska horimaadyada danaha maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.
Tusaale ahaan, dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay awaamiirta federaalka ee ah in la diido shatiyada kalluumeysiga ee heer gobol, iyagoo ku doodaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay jebinayaan heshiisyada wadaagga kheyraadka.
Maamul midaysan la’aanta ayaa u suurtogelineysa maraakiibta shisheeye inay ka shaqeystaan xeebaha Soomaaliya iyagoo aan wadan shatiyo sax ah, taas oo sii xumeynaysa kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo nabaad-guurka deegaanka.
Heshiiskii 2018 ee u oggolaanayay shirkadaha Shiinaha inay ka kalluumeystaan 24 mayl-badeed gudaha xeebta Soomaaliya ayaa tusaale u ah caqabadaha maamul ee habaysan ee wiiqaya qaybta kalluumeysiga ee dalka.
Warbixin 2019 la soo saaray ayaa daaha ka qaaday sida maraakiibta Liao Dong Yu, oo ah maraakiib Shiineys ah, ay gebi ahaanba uga gudbeen xuduudaha sharciga ah.
Beddelkii ay u hoggaansami lahaayeen xeerarka federaalka, maraakiibta ayaa shatiyada kalluumeysiga ka helay maamulka Puntland iyadoo duruufo shaki leh ay ku hareereysnaayeen.
Heshiiska ayaa la sheegay inuu fududeeyay ganacsade iyo senatar Dahir Ayande, oo xulufo dhow la ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu iftiiminayaa sida xiriirka siyaasadeed u wiiqi karo maamulka kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Warbixinta ayaa ku doodeysa in daah-furnaanta oo ka maqan bixinta qandaraasyada kalluumeysiga ay dhiirrigelisay kalluumeysiga sharci-darrada ah.
Maraakiibta Shiinaha, oo adeegsanaya farsamooyin aad u waxyeello badan, ayaa weli si firfircoon ugu lug leh kalluumeysiga sharci-darrada ah ee tuunaha ee xeebaha Soomaaliya.
Kuwaas waxaa ka mid ah isticmaalka shabaqyo waaweyn (purse seines) iyo maraakiibta xargaha dhaadheer (longline vessels) si ay u gurtaan tiro aad u badan oo tuuno ah, jiidista shabaqa hoose oo baabi’isa badda hoosteeda, iyo xitaa qarxinta kalluunka (dynamite fishing), oo adeegsata walxaha qarxa si ay u disho una ururiso kalluunka si aan loo aabo yeelin.
Hababka noocaas ah oo aan waarayn ayaa yareeya keydka kalluunka ee horeyba si xad-dhaaf ah looga kalluumeystay waxayna waxyeello aan laga soo kabsan karin u geystaan nidaamka deegaanka badda ee Soomaaliya, taas oo sii khatar gelineysa nolosha bulshooyinka kalluumeysatada maxalliga ah.
Si looga jawaabo, Soomaaliya ayaa wax ka qabatay kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo ay ka mid yihiin mamnuucidda jiidista shabaqa hoose ee biyaha federaalka iyo xoojinta daah-furnaanta shatiyada.
Iskaashiga Turkiga iyo Denmark, oo ay weheliyaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa horseeday ganaaxyo lagu soo rogay kalluumeysatada sharci-darrada ah iyo la wareegidda maraakiibta. Khabiiradu waxay ku talinayaan in la qaato teknoolojiyad kormeer oo casri ah iyo kooxo-hawleedyo goboleed si loo xoojiyo dhaqangelinta.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo la mamnuucay jiidista shabaqa hoose, kalluumeysato Turki ah ayaa weli lagu soo waramayaa inay ka shaqeystaan biyaha Soomaaliya iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah.
Robert McKee, oo ah khabiir dhinaca amniga badda ee caalamiga ah iyo la-taliyihii hore ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa ku nuuxnuuxsaday degdegga jawaab isku-duwid ah oo ku aaddan kalluumeysiga sharci-darrada ah.
Isagoo la hadlayay ENACT, wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamyada kormeerka, xakamaynta, iyo ilaalinta ee gobolka iyadoo la dhisayo kooxo-hawleedyo u go’an dhaqangelinta shuruucda kalluumeysiga.
McKee ayaa u dooda tallaabooyin go’aan qaadasho leh, oo ay ka mid yihiin la wareegidda maraakiibta sharci-darrada ah, xarigga dembiilayaasha, iyo la wareegidda qalabka kalluumeysiga ee mamnuuca ah, taasoo ah tallaabooyin muhiim ah oo loo qaadayo ilaalinta keydka kalluunka jaalaha ah ee Soomaaliya oo ay dhibaato ba’an soo gaartay.