Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka digay deked la siiyo oo ay maamulato Itoobiya, oo uu sheegey in aan la xakameyn karin siyaabaha ay u adeegsaneyso.
Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey VOA, ayaa sidoo kale sheegey in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed oo ay wadagaaraan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Soomaaliya, si arrintaan mowqif mideysan looga yeesho.
Hadalka ra’isul wasaarihii hore ee dalka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ay difaacdey go’aankeeda heshiiskii Itoobiya, iyadoo sheegtey in ay u taagan tahay difaaca dalka iyo dadka.
Cumar Cabdirashiid ayaa la weydiiyey sida uu u arko heshiiskii labada dal iyo booqashadii u danbeysey ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Addis Ababa.
“Madaxweynaha kaligiis go’aan kama gaari karo arrintaan, halaga wadatashto go’aan Soomaali u dhantahana ha lagu wajaho, hadii Xasan Sheekh uu deked siiyo Itoobiya maxaa diidaya inay qaab militeri u isticmaasho, yaase ka hor istaagi kara?” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Wuxuu sheegay in adduunka ay ka jiraan wadamo aan bad laheyn, kuwaas oo hadana si ganacsi ah dekedaha dalal kale u isticmaala, balse adduunka aysan ka jirin in la isku xiro saldhig militeri iyo deked ganacsi.
“Arrinta Itoobiya khatar weyn ayaan ka dhex arkaa, yaan loo ogolaan deked cusub oo ay dhisanayaan ee hadii wax loo ogolaanayo dekedaha hadda shaqeeya ha adeegsadeen, iyagoo hanaanka ganacsiga u maraya, waxaan waa mustaqbalka umadda Soomaaliyeed ee talo mideysan halaga yeesho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid.
Hoos ka dhageyso wareysiga