Doha (Allbanaadir) – Ra’iisul wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa ka dalbaday Israa’iil inay si deg-deg ah ula baxdo ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Suuriya.
Mohamed Al Thani oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dimishiq oo uu wehliyo hoggaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa wuxuu dhalleeceeyay dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ay ku qabsanayso dhulka u dhow buuraha Golan ee koonfurta Suuriya.
“Ciidamada Israa’iil ay geysay aagga difaaca ee Suuriya waa fal ka fiirsasho la’aan ah, waana inay si degdeg ah uga baxdo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Qatar.
Israa’iil ayaa cutubyo milateri geysay bishii hore aagga difaaca, kaas oo dhaca buuraha Golan Heights oo kala qaybiya Suuriya iyo Israa’iil, tan iyo markii xukumadda Bishaar Alasad ay dhacday.
Goobta ay ciidamada Israa’iil yimaadeen waxa uu ahaa mid ka ka caagan Militeriga, tan iyo xabbad joojintii 1974 ay Qaramada Midoobay dhex-dhexaadisay Suuriya iyo Israa’iil.
Dowladda Qatar ayaa dhawaan ku guuleysatay inay heshiis dhex dhigto Israa’iil iyo Xamaaz, kaasi oo ahaa mid xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah.
Heshiiskan ayaa wejigiisa koowaad waxaa ku lug yeelan doono is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.