Beledweyne (Allbanaadir) – Dadaalladii nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobalka Hiiraan ayaa laga gaaray natiijo wax ku ool ah oo ay dad badan rajo ka qabaan inay billow u noqon karto xal u helidda xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobalka.
Sida aan ka soo xigannay dad xogogaal ah, horumarka hadda laga gaaray arrinta gobalka Hiiraan ayaa loo sababaynayaa kaalinta hoggaamineed ee ay qaateen masuuliyiinta ka soo jeedda gobalkaas oo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbalooshe uu ugu horreeyo.
Sanbalooshe oo muddo 10 maalmood ah ku sugnaa Hiiraan ayaa maanta soo gabagabeeyay safarkiisa, waxaana arrimaha uu xalka ka gaaray ka mid ahaa:
1 – In dowladnimada lagu soo celiyo garabka Hiiraan State oo ku sugnaa Feerfeer Itoobiya oo uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdullahi Ganey.
2 – In si nabad ah gacanta dowladda loogu soo celiyo xaruntii gobolka Hiiraan, kadib markii la qanciyay garabka Hiiraan State ee uu horkacayay nin lagu magacaabo Colow oo heystay xarunta gobolka.
3 – In dib loo abaabulo, safafka halgamayaashii deegaanka ee Macawiisleyda oo la mideeyay cududooda, si mar kale loo dardargaliyo dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.
4 – In la xaliyay xiisaddii ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo xalkaas ay si weyn uga baxeen buubabka dhaqanka Mudullood uu hoggaaminayay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.
5 – In la qaaday isbaaroyinkii yaalay gudaha Beledweyne oo sabab u ahaa sicir-barar dhanka maciishadda ah oo dadka deegaanka iyo safareydu ay ku dhib qabeen.
Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo arrintaan xalka Hiiraan lagu raadinayo hoggaaminayey ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku soo celiyey xogta wixii u qabsoomay iyo culeysaadka soo noqday.
Maanta muuqaal laga soo duubay ciidamada deegaanka ee dib loo abaabulay ayaa muujinayey in dadka deegaanku ogolaadeen maamulkii ay ka tirsanaayeen ee HirShabeelle, waxayna ku dhawaaqayeen “HirShabeelle ha guuleysato, Soomaaliya ha is raacdo.”