Garowe (Allbanaadir) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir mar kale weeraray afka ah ku qaaday dowladda federaalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, wuxuuna u sheegay in kaalintiisa uu ka soo baxo ama faraha kala baxo arrimaha Puntland.
Wasiir Caydiid ayaa ka jawaabay hadalkii uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku bogaadiyay ciidamada Puntland ee la dagaallamaya aragixisada Daacish, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa taageero militeri iyo mid dhaqaale, wax ay ka heleena aysan jirin.
“Xamse waxay aheyd inuu yiraahdo waxaan soo dirnay gaadiid dagaal, hub, dhaqaale, daawo iyo inuu fasaxo mashaariicda Puntland ka xayiran, maadaama dalku dagaal ku jiro, balse hadalkiisa waxaba ma tarayo ciidamada uu hambalyada u diray dalka iyo dadka Puntland ayaa iska leh,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid.
Wuxuu ku faanay in reer Puntland ay isaga filan yihiin Daacish, “Taariikhda lama sheegin meel argagixisadu hal mar u dirtay 12 nin oo is qarxineysa, marka Ra’iisul Wasaaraha waxaa looga fadhiyaa taageerada dastuuriga ah ee dadka reer Puntland ay ku leeyihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay howlgallada ciidaankooda ay ka wadaan degaanada buuralayda ah ee ku yaalla gobolka Bari, halkaasi oo oo maalmihii u dambeeyay ay dagaal kula galeen maleeshiyada kooxda Daacish oo isugu jira ajnabi iyo Soomaali.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo horey uga jawaabay eeddan oo kale oo Puntalnd ay u soo jeedisay ayaa sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariic ah, balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay xukuumadda ka jirta Puntland.
Wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in aysan marin habaabin shacabka, oo ay mashaariicda dalka ka socota qeybta ay ku leeyihiin ay u fasaxaan, maadaama dowladda federaalka ay diyaar ula tahay.