Muqdisho (Allbanaadir) – Hoggaanka taliska howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay taageeradooda dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku jirto ee dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Maxamed El-amine Souef oo maanta la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa caddeeyay taageeradooda buuxda ee dagaalka.
Labada masuul ayaa intii kulanka socday waxay uga wada-hadleen arrimaha howl-galka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo horraantii sanadkan si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS.
Intii uu socday kulanka, danjire Souef ayaa tilmaamay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha argagixisada ee ugu horreyso Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu Midowga Afrika uga mahad-celiyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Waxa kale oo uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.