Daawo: BF oo qaaday tallaabo la xiriirta askartii lagu laayay SH/DHEXE

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtada Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay dagaallada sokoeeye ee dalka kasoo cusboonaaday.

Ugu horreyn Sheekh Aadan Madoobe ayaa cambaareeyay falkii lagu laayay askarta ee ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya gobollo kala duwan oo dalka ku yaalla, kadib markii ay ka qarxeen colaado sokeeye.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday meelo kamid ah dalka ‘Waa arin aad looga xumaado walaalayaal hala joojiyo dagaalka”.” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa kale oo uu kusii daray Dagaalladan dad badan oo shacab ah ayaa lagu laayay xittaa ciidanka qaranka ayaa qaarkood lagu dilay, allaha u naxariisato inta dhimatay”.

Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *