Xog cusub oo laga helay askarigii toogashada ka geystay Xerada Imaaraadka

Posted on

Waxaa la helay xog dheeraad ah oo la xiriirta ninkii fuliyay weerarkii xerada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho, 10-kii February ee sanadkan kaasoo isla xerada lagu dilay markii uu falka geystay.

Ninkan ayaa laga soo qoray magaalada Xudur dhammaadkii 2022, waxaana loo qoray askartii ay tababartay dawladda oo gacan ka heleysa Imaaraadka.

Markii uu dhameystay tababarka waxa uu ka mid noqday askartii sida gaarka ah loo soo doortay ee ilaalada xerada tababarka Imaaraadka ee Muqdisho.

Maalmo ka hor inta uusan dhicin weerarka ayuu riday qorigiisa, isagoo u muuqday inuu tijaabiyay. Mar wax laga weydiiyay arrintaasi ayuu sheegay inuu iibsaday rasaastii uu riday, sidaasi darteedna aysan jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday.

Maalintii la dilayay ayaa waxa uu gudaha u galay Masjid ku yaalla Xerada ay ku sugnaayeen Saraakiisha Imaaraadka Carabta oo ay ku soo tukanayeen Salaada Maqrib, isagoo albaabka xiray kadibna rasaas ku billaabay. Saddex sarkaal oo Imaaraadka ka tirsan – oo uu ku jiro madaxii howlgalka tababarka ee Soomaaliya, Maxamed Al Mansuuri – iyo sarkaal u dhashay dalka Baxreyn ayaa la dilay.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda toogashada. Laakiin sidee buu Mustafa Mukhtaar Aadan uga mid noqday Al shabaab?

Waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin ku ganacsan jiray suuqa Bakaaraha ka hor inta uusan ciidanka ku biirin. Kadibna wuxuu galay dagaal dhexmaray , isaga iyo nin kale oo u gaystay dhaawac weyn oo ka gaaray madaxa. Waxa uu isku dayay in uu magdhaw ka helo ninka dhaawaca u geystay balse kuma guuleysan.

Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan inuu u dacwooday Al shabaab oo sida uu aaminsan yahay mid ka mid ah xafiisyada amniga ka caawiyay inuu magdhow ka helo ninka dhaawaca u geystay.

Balse waxaan illaa hadda jawaab loo heyn su’aalo ay ka mid yihiin Al shabaab miyaa ka faa’iidaystay oo qortay xilligaas? Ma isagoo askari ah ayaa lagu qoray xerada Imaaraadka? Kumuu ahaa cidda dammaanad qaaday markii loo diiwaan gelinayey ciidanka? Sideese loogu soo xulay inuu ka mid noqdo ciidanka gaarka ah ee xerada Imaaraadka ee Muqdisho?  Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Baarayaasha ayaan weli ka jawaabin su’aalahan

Source link