Xassan Shiikh & Jonas Gahr Støre oo wada guddoomiyey madasha Oslo Forum (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah maanta u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum

Madashan oo la aasaasey sannadkii 2003, ayaa waxaa lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhex-dhexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Madashan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH LA SOCO WARARKEENA SOO SOCDA INSHA ALLAH




Source link