Muxuu yahay kulanka ka qabsoomay Qaahira ee lagu gorfeynayo heshiiskii Ankara?

Posted on

Qaahira (Allbanaadir) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno Soomaali ah, kaas oo khuseeyay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah, si ay u qiimeeyaan saameynta heshiiska Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.

Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay agaasimaha xafiiska qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.

Kulankaasi oo inta badan lagu fallan-qeeyay isbarbar-dhigga nuxurka uu xambaarsan yahay baqii Ankara waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macalin Fiqi, wasiir ku-xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal, xoghayaha joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo ku-simaha safiirka Sudan Danjire Ammar Ahmed Babiker.

Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaya isku soo dhawaansho wax weyn u tari kara xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in dhawaan iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu dhex-maro.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana heshiiska Ankara iyo kulamada xigga la filayaa inay ka dhashaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *