Daawo: Wasiir Jaamac “48 saac ayaa lagu soo qabanaa raggii laayey ciidanka xoogga”

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa u digay cid kasta oo isku dayda iinay gabaad siiso raggii laayey ciidanka, kuwaas oo sida uu sheegay lagu raadjoogo.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa falkaan iyo dagaal beeleedyada kaleba ku eedeeyey Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay mid ay uga danleeyihiin in ugu dambeyn waxaan oo kale ay dhacaan oo jidka loo galo ciidanka qaranka.

Wasiir Jaamac ayaa balan qaaday in 48 saac kadib uu shir jaraa’id qaban doono, isagoo akhbaar rasmi ah ka wada ciidankii la laayey iyo cidda loo qabtay.

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo baxday gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xawaadley, una socotay gobolka Hiiraan ayaa shalay galabta lagu laayey aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Ilaa 7 askari iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana badbaaday hal askari oo goobta ka baxsaday, sida ay Allbanaadir u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf.

Askarta la laayey ayaa u fasax qaatay inay soo booqdaan reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan, basle maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa jidka u galay, kuwaas oo hal goob ku dilay dhamaantood, markii laga reebo hal askari oo si naadir ah ku baxsaday.

Waxaa bilowday howlgallo lagu soo qabanayo raggii geystay dil wadareedkaas, madaxda qaranka iyo HirShabeelle ayaa si wadajir ah u amray hay’adaha ammaanka in lasoo qabto raggii jidka u galay ciidanka qaranka ee xasuuqay.

Hoos ka daawo hadalka wasiirka



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *