Deni oo dacwad ka dhan ah dowlada Somalia u diray Beesha caalamka (Akhriso)

Posted on

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu u diray beesha caalamka waxa uu ku codsaday in si siman loo qaybiyo deeqaha horumarineed ee ay ugu talo galeen Somalia, isagoo DF ku eedeeyey iney siyaasadeyso deeqaha la soo mariyo.

“Waxaan ka walaacsanahay siyaasadeynta sii kordheysa ee lagu hayo deeqaha la soo mariyo dowladda federaalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Deni oo intaas ku daray in lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka ay dowladda federaalka u adeegsato ajandayaal siyaasadeed tan iyo markii isaga dib loo doortay bishii January.

Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay inuu isku dayey in uu arrintan wadahadal kala furo dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta hase ahaatee ay dhinaca dowlada waxba ka socon waayeen.

“Dowladda federaalka waxay billowday olole war xumo tashiil ah oo lagu khalqal gelinayo dowlad goboleedka Puntland” ayuu deni ku yiri qoraalkiisa cabashada ah.

Waxaa uu sidoo kale DF ku eedeeyey iney iska indha tirayso waajibaadkii dastuuriga ahaa iyo xaaladda adag ee qaranku ku sugan yahay, taasoo buu yiri halis gelin karta midnimada Soomaaliya.

“Beesha caalamka waxaanu ka codsaneynaa in la abuuro hannaan awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah oo ka madax banaan siyaasada Muqdisho u caawiyaan Puntland” ayuu sidoo kale qoraalkiisa ku yiri Saciid.

Qoraalka Deni ayaa ku soo aaday xili Puntland ay horey u sheegtay inay u dhaqmeyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee waxaan taasi ku qancin beesha caalamka oo weli deeqaha u soo marisa DF.

Talaabada Deni ayaa sidoo kale timid xili Puntland ay ka taagan tahay dhaqaale xumo baahsan, iyadoo shaqaalaha iyo ciidamada maamulkaas aysan mushahar qaadan muddo dhowr bilood ah markii DF ay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Puntland sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Xassan Shiikh iyo Deni.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DENI OO ENGLISH KU QORAN

Source link