Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhaxe oo Maanta Muqdisho lagu daahfuray (Sawirro)

Posted on

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtaxanaadka fasalka 8aad ee dugsiyada gobolka Banaadir .

Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga Dhaxe ee maanta laga daahfuray magaalada Muqdisho ayaa waxaa u fadhiisatay 35,307 oo arday oo ka kala tirsan 656 School oo kamid dugsiyada kuyaalla magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ardayda maanta imtixaanka u fadhiisatay ay tiradooda u kala qeybsanto 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdha ah oo ay qaar kamid ah yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qabo, kuwaas oo si guud ugu fadhiistay qaadista imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada gobolka Banaadir, waana sannadkii 5-aad oo maamulka gobolka Banaadir qaadaya imtixaankani.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ardayda maanta u fadhiistay imtixaanka u rajeeyay natiija wanaagsan oo wax ku’ool ah, isaga oo sidoo kale sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dhiiragalinayo fursada lagu horumarinayo waxbarashada caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link