Dhuusamareeb (Allbanaadir) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dilay Laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaanay Xasan Quuri.
Allaha u naxariistee Xasan Quuri ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug.
Dilka sarkaalkan ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howl-gal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan, waxaana hadda ku socda baaritaan, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha booliska Dhuusamareeb.
Ninka loo soo qabtay dilka sarkaalka ayaa ah askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana laga dhursugayaa natiijada baaritaanka oo laamaha amniga sheegeen inay bulshada lasoo wadaagi doonaan.
Dilkan ayaa xalay ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sarkaalkan lagu dhex dilay gaari uu watay oo lagu rasaaseeyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga sarkaalkaan lagu dhex rasaaseynayay gaarigiisa ay la saarneyd haweeney, taas oo rasaasta ay kasoo gaartay dhaawac fudud.
Dilka sarkaalka ayaa lasoo warinaya inuu la xiriiro arrimo jaceyl, islamarkaana dilkiisa uu geystay nin la sheegay inuu jeclaa gabadha la joogtay sarkaalka xiliga la dilayay, balse weli lama oga xaqiiqda, waxaana socda baaritaanka kiiska.