Masar oo ku dhowaaqday go’aan la xiriira Somalia, halisna ku ah Itoobiya

Posted on

Qaahira (Allbanaadir) – Dowladda Masar ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo la xiriira Soomaaliya, isla markaana saameynaya Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile.

Xukuumadda Qaahir oo war culus soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu  baddelayo kan ATMIS, kaas oo lagu wado inuu billowdo bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Warkan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ku jirto waddamada ciidamada ku yaboohay howlgalka cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale garab taagnaa dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka tahay howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale Badri ayaa tilmaamay in dowladdiisa waajib ka saaran yahay garab istaagga Soomaaliya sidaas awgeed Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar diyaar u tahay kamid noqoshada howlgalka lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta.

“Masar waxa ay qayb ka tahay oo Dowladda Soomaaliya ka codsatay howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerayaan si loo xoojiyo nabadgalyada” Sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi.

Masar ayaa sidoo kale isla maanta ka dhawaajisay hadal kale oo ka dhan ah Itoobiya, iyada oo si cad u sheegtay in marnaba aan loo ogolaan doonin gaaridda Badda Cas.

Go’aanka Masar ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmahan aad loo hadal hayay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa in howlgalka AUSSOM laga saaro Itoobiya, kadib heshiiskii ay labada dowladood ku gaareen magaalada Anakara.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *