Hargeysa (Allbanaadir) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa yeeshay fadhigoodii labaad, kaas oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehlinayo madaxweyne ku-xigeenkiisa.
Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxa uu madaxweyne Cirro kula wadaagay golihiisa wasiirrada in isaga iyo ku xigeenkiisaba loo dhaariyey in ay difaacaan Somaliland, dadka iyo diintaba, ayna taas ka duulayaan.
Cirro ayaa sidoo kale wuxuu golaha u sheegay in xukuumadiisu ay mudnaanta 1-aad siinayso wada-hadal, nabad iyo walaalnimo ay ku wada noolaadaan dhammaan bulshada Somaliland.
Waxa uuna caddeeyay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay difaaca Somaliland, goor kasta iyo goob kasta.
Dhinaca kale, shirka ayaa intii uu socday waxa uu madaxweynuhu dib-u-milicsi ku sameeyey arrimihii lagu balamay fadhigii 1-aad iyo waxa ka fulay, iyadoo kadib uu ka dalbaday wasiirrada inay mid mid uga warbixiyaan qaabka ay ula wareegeen wasaaradaha.
Dhammaan wasiirada waxay sheegeen in muddadii loo qabtay ay kula wareegeen Wasaaradaha, marka laga reebo wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadamnimada ee Somaliland, oo hore loo odhan jiray hay’adda qaxootiga qaranka iyo barakacayaasha.
Sidoo kale, wasiirka maliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland ayaa golaha la wadaagay xaaladda dhaqaale iyo dardar-gelinta dakhli ururinta, iyadoo wasiirka gaashaandhigga iyo diaaca uu isna golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee shaqaaqooyinkii magaalada Ceerigaabo dhexdeeda ka dhacay.
Wasiirka waxa uu sheegay in guud ahanba ay Somaliland amaan tahay, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay taxadir iyo feejignaan.
Ugu dambeyntiina, waxa golaha si kooban ula hadlay wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay hawlaha hortabinta leh 100 maalmood ee u horeeya muddo xileedka xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.