Yuu maanta u furan yahay xalka hubkii lagu boobay Galgaduud?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Cadadka hubkii Isniintii lagu qaatay meel u dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ee laga keenay dhinaca waddanka Itoobiya ayaa si weyn uga batay intii la faafiyay 48 saac ee lasoo dhaafay.

Dad xogagaal ah ayaa warinaya inuu hubka saddex jeer ka badan yahay intii warbaahinta Soomaalida faafisay, taas oo sawir ka siineysa culeyska dhacdada iyo khasaaraha maaliyaddeed ee gaaray raggii hubkaa watay.

Khasaaraha dhimashada ayaa sidoo kale gaaraya ku dhowaad 15 ruux, marka la isku daro ciidanka NISA iyo dadka hubka qabsaday.

Reerka uu hubka gacantooda galay ayaa ka digay in la isku dayo tallaabo milateri oo lagu baadi-goobayo hubka, taas oo uga sii dari karta xaaladda.

Deegaankana waxaa laga soo wariyay inay dadkiisa foojignaan galeen kadib markii dowladda madaxweyne Xasan Sheekh shalay sheegtay in awood ciidan lagu soo celinayo hubka.

Maamulka Galmudug ayaa isna sii daayey farriin uu kaga hadlaayo dhacdadan. Midda cajiibka ah waa in farriinta Galmudug ay wax badan ka macno iyo siyaasad qurxooneyd tii kasoo baxday dowladda federaalka ah.

Galmudug waxay iska ilaalisay inay si weyn u eedeysay qabiilka uu hubka gacanta u galay, halka ay dowladda federaalka ah si adag ula hadashay reerka uu hubka xagooda maray.

Dowladda federaalka waxay sheegtay in maleeshiyo jidgooyo ah hubka qaateen, laakiin Galmudug wax maleeshiyo ah ma sheegin, iyada oo cid walba ogtahay cidda uu hubka maanta gacantooda ku jiro.

Galmudug ma sheegin in loo baahan yahay soo celin hubeysan, taas oo ka dhigan inuu hadda iyaga xal wada-hadal ah u furan yahay, halka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay wax walba kaga ciyaartay hadaladdii hanjaabadda ahaa ee ku qornaa warqaddii ay soo saareen.

Galmudug waxay sheegtay inay u cadaatay cidda hubkaan soo gelisay deegaankan, oo ay yihiin sida ay sheegeen dad markii horeba caan ku ahaa shaqooyinka noocaan ah, ayna cadaaladda horkeeni doonaan.

Galmudug waxaa laga rabaa inay soo bandhigaan dadka ay sheegeen inay aqoonsadeen.

Labada farriimood ee kasoo kala baxay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa jirta meel ay iska khilaafsan yihiin, waana inay dowladda federaalka tiri hubkaan inaga la soconay oo soo qabanay, halka Galmudug ay iyaduna gaar u sheegatay inay howsha hubkaan la socdeen, shaqadana ay iyagu waddeen.

Siyaasadda hab qoraalka farqi weyn ayaa u dhaxeeyay, labada dhinacna hadda Galmudug ayaa u muuqata inuu u banaan yahay wada-xaajood hoose oo lala galo reerka uu hubka gacantooda galay.



Source link