Yaa Muqdisho kasoo dejiyay hubkii cuslaa ee ay soo bandhigtay dowladda?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dabaal-degii 1-da Luulyo kusoo bandhigtay hubkii ugu cuslaa oo ay qeyb ka yihiin gadiid gaashaman, taasi oo lagu muujinayay isbeddelka awoodeeda ee ciidanka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa maalintaas sameeyay bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaasi oo lagu soo bandhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u diyaarsan oo dhuulatus sameynaya.

Gaadiidka gaashaman iyo hubka maalintaas lagu soo bandhigay dabaal-degga ayaa waxaa inta badan dowladda Soomaaliya ku taageeray dalka Turkiga oo kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka qalin-jabinta dufcadda 6-aad ee leyliga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu tababaray dugsiga Turksom, ayaa dowladda Turkiga ku ammaanay kaalmada ay siiso dalkeenna.

Waxa uu sheegay in Turkiga uusan dano gaar ah ka laheyn kaalmada ballaaran ee uu la garab joogo dowladda Soomaaliya, ayna mar uun u abaal-gudi doonto Soomaalida.

“Waxay nagu garab istaageen qalab oo furimaha la joogno oo maalin dhaweydna soo bandhigeynay, sidoo kale Turkiga wuxuu nagu garab istaagay goobta dagaalka. Waa walaalo naga mudan mahad-celin, oo sharaf iyo karaamo u hayno. Maalin maalmaha kamid ah Ilaahay idinkii umadda Soomaaliyeed waa u abaal-gudi doonta dalka Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalalka qaar ee kaalmeeya dalkeenna ay ka leeyihiin dano gaar ah, halka uu middaasi ka duway Turkiga oo uu ku tilmaamay “walaalka dhabta ah ee Soomaaliya leedahay”.

“Kaalmo badan xargo badan ayaa gadaal uga xiran oo mar walba dhinac loo jiidayo, laakiin midda Turkiga sharaf iyo karaamo ayaa la jirta. Xargo gaar ah iyo dano gaar ah oo diblomaasiyadeenna iyo dowladnimadeenna lagu kala dhantaalayo ama lagu hagayo kuma jirto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.



Source link