Xukun adag oo lagu riday koox loo haysto dil iyo ku takrifal awoodeed

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanayaal gaaraya todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha ayaa racfaan kasoo qaatay xukun ay horey ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, ayada oo ugu dambeyn ay maanta maxkamadda sare xukun kasoo saartay, xubnahan oo kala ah;

1. Dable xoogga Mahdi Colaad Xiireey
2. Dable xoogga Nuur Daahir Xersi
3. Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar
4. Dable xoogga Maxamed Khaliif Xuseen
5. Dable xoogga C/qani Cali Xaaji
6. Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo
7. Dable xoogga Axmed Xasan Maxamed

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 4-ta bishii Augusta ee sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee ciidamada oo aqbashay dalabkii racfaanka ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

  • Dable xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo dable xoogga Nuur Daahir Xersi ayeyaxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan boqol halaad oo geel ah “diyo muqalado ah” ahna magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo min shan sano oo xabsi ciidan ah.
  • Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay todobo sano oo xabsi ciidan ah.
  • Dable xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, dable xoogga Cabdiqani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo dable xoogga Axmed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ee ciidamada qalabka ku xukuntay min 3 sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Sareeye-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.










Source link