Xukun adag ah oo lagu riday nin dil arxandaro ahaa Hooyo ugu geestay Muqdisgo

Posted on

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Ibraahim Aadan Maadeey, kaa oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuna dilay Muqdisho hooyo la shaqeeneysay maamulka degmada Hodan.

Ninkan ayaa Al Shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe,waxa uuna soo qaatay tababar ku aadan sida dilalka gaadmada ah loo fuliyo, waxa ayna Al Shabaab usoo direen magaalada Muqdisho si uu dilal uga geesto.

Maxkamadda ciidamada ayaa Ibraahim ku heshay in 2-bishii Jannaayo ee sannadkan afaafka hore ee gurigeeda oo kuyaalla degmada Hodan gaar ahaan waaxda Kacaan ku dilay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed .

Ninkan ayaana markii uu dilay hooyadan Soomaaliyeed isku dayay in uu ka baxsado laamaha ammaanka, waxaana si deg deg ah ninkan u dhaawacay gacantana ugu dhigay ciidamada ammaanka oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey dil toogasho oo ah qisaastii marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link