Xubno ka tirsan kooxda DAACISH oo isa soo dhiibay

Posted on

Boosaaso (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Daacish ay isku soo dhiibeen ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Xubnaha isa soo dhiibay oo labo ah ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, halkaas oo ay kusoo bandhigeen ciidamada daraawiishta Puntland.

Labada xubnood ayaa watay hubkooda iyo dareeska ciidanka, waxaana ay sheegeen inay tababar kusoo qaateen goobaha ay gacanta ku hayso Daacish ee deegaanada Puntland.

Wareysiyo laga qaaday labada nin ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex cisho ah soo lugeynayeen, si ay uga soo baxsadaan kooxda ay muddada dheer ka tirsanaayeen, ayna ku furaxsan yihiin in lagu soo dhaweeyay Puntland.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen inay ka qayb-qaateen dagaallo dhexmaray Daacish iyo Al-Shabaab, maadaama ay sheegeen in loo tababaray u dagaalidda kooxdaasi.

Inta badan labada kooxood oo ku wada sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa dagaallo ay waxa ay ku dhex maraan halkaasi, waxayna isku haystaan gacan sarreynta dhulkaasi.

Kooxda Daacish ayaa bishii April ee sanadkan sheegtay inay dagaal ku dishay 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib dagaal ay kula gashay buuraha Calmiskaad.



Source link