Xogta kulan Wasiir Fartaag la qaatay Wasiirada amniga dowlad goboleedyada dalka (Sawirro)

Posted on




Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wadashaqeynta Laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka, dardar-gelinta ladagaallanka Al-shabaab, tayeynta Booliska iyo xoojinta wadashaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta Booliska, isagoo bogaadiyey sida ay uga go’an tahay Wasiirrada Amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed, waxaana ma maqnaa wasiirka amniga Puntland oo maamul ahaan khilaaf uu kala dhexeeyo DF.




Source link