Xogta kulan wadatashi oo u socda Axmed Madoobe iyo xildhibaannada BF

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan wadatashig ah xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubbaland.

Xildhibaanada oo ku yimid marti-qaadkii madaxweynaha Jubbaland uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa maanta u bilowday shirkii wadatashi ee uu horey u iclaamiyay Axmed Madoobe.

Shirka wadatashi ayaa ku saabsan xaalada guud ee siyaasada dalka, waxayna sidoo kale Xildhibaanada la-tashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee bulshada iyo hogaanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta waxaa shirka laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlayo arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo taageerida “in Jubbaland ay u madax bannaan tahay inay qabsato doorashadeeda si waafaqsan dastuurka Jubbaland.”

Tan ayaa imaneysa xilli uu meel xun gaaray khilaafka Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyadoo maanta ay Jubbaland ku dhowaaqday in gebi ahaan xiriirkii ay u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Go’aankan ayaa daba socda xiisadda kasii dareysa ee labada dhinac, kadib markii Jubbaland ay u dhaq-dhaqaaqday in si gaar ah u qabsato doorashadeeda.

Dowladda dhexe ayaa diiday guddiga doorashada ee uu xalay soo magacaabay Axmed Madoobe, waxayna intaasi ku dartay in aanay aqoonsan doonin doorashada Jubbaland.



Source link