Xogta kulan qarsoodi ah oo Muqdisho ku dhex-maray agaasimaha CIA-da, Xasan iyo Sanbaloolshe

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda sare ee dalka.

Agaasimaha ayaa kulan gaar la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo agaasimaha sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay xogo dheeraad ah, ayada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la-dagaalanka argagixisada, kala guurka AMISOM iyo arrimaha xiisadda Itoobiya.

Markii laga soo tago xiisadda ka taagan gobolka, waxaa meesha ka sii baxaysa shuruucdii caalamka ee kala xakameynta dowladaha looga hortegi jiray.

Mareykanka ayaa lagu xantaa inuu saameyn ku leeyahay xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, waxaana qodobadii laga wadahadlay ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashada agaasimaha CIA ku yimid Muqdisho ayaa aheyd mid muujineysay ahmiyadda gaarka ah ee Mareykanka uu siinayo arrimaha Soomaaliya, taasi oo aheyd markii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado muddo sanad gudihiis.

Sidoo kale safarkii agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ku tagay dalka Mareykanka horaantii bishii October ee sanadkan ayaa iyana daba socotay arrimo badan oo taabanayay iskaashiga amniga iyo la-dagaalanka argagixisada oo ay iska kaashadaan labada hay’adood.

Horaantii bishii Janaayo 2024 ayuu sidaan oo kale Muqdisho u yimid sarkaalkaan, xilligaas oo uu la kulmay madaxweynaha iyo agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.



Source link