Xogta kulan maanta ka dhacay Villa Hargeysa oo lagu ansixiyay…

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, kaasi oo lagu ansixiyay ajendaha kulamada soo socda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Intaasi kadib, xubnaha guddiga ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca saddexaad ee kalfadhiga shanaad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka golaha.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Sidoo kale guddiga joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada goluhu uu siinayo in shuruucda golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa ugu dambeyntiina wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee golaha toodbaadka soo socda, kadib dood iyo fallan-qeynta kala horeyntooda.










Source link