Xogta kulan Axmed Madoobe la qaatay safiirka Imaaraadka ee Somalia (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay  Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay mashaariicda kala duwan ee Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka wado deegaanada Jubaland gaar ahaan Arrimaha Amniga, hormarinta Beeraha iyo dhismaha kaabayaasha kala duwan iyadoo Madaxweynahu uu uga mahad celiyay Dowlada Imaaraadka Carabta tageerada ay mar walba la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Kulanka ayaa lagaga hadlay bixitaanka Ciidamada ATMIS ee deegaanada Jubaland iyo sidii si wadajir ah looga wada shaqayn lahaa iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo xoraynta deegaanada dhiman kahor bixitaanka Ciidamada ATMIS.




Source link