Xogta kulamo xasaasi ah oo R/W Xamza uu ka wado New York + Sawirro

Posted on

New York (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo masuuliyiin kala duwan.

Ra’iisul wasaarah ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, kaasi oo isna New York uga qayb-galaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa waxay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirka uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceed la qaatay madaxweynaha golaha hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.

Kulan doceedka ayey ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uga wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen.

Kukanka ayaa intii socday waxay labada masuul diirada ku saareen sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurta-gelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.



Source link