Xogta khilaaf horleh oo ka dhex qarxay wasaaradda ciyaaraha iyo xiriirrada

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya kadib tallaabo ay qaaday wasaaradda.

Khilaafkan ayaa salka ku haya go’aan cusub oo kasoo baxay wasaaradda, kaasi oo dhigaya in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaargarowga xulalka muddo sagaashan maalmood kahor ka qayb-galka tartamada kala duwan ee caalamka.

Xiriirrada ayaa u arka inay u madax-banaan yihiin shaqadooda, halka wasaaradda ay midaasi diidan tahay, ayna rabto in korjoogteyn iyo hubin ku sameysay tallaabooyinka uu qaadayo xiriirka.

Go’aannada uu ka horyimid xiriirka ayey wasaaradda ku sheegtay mid looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha.

“Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,” ayuu yiri wasiirka ciyaaraha Maxamed Barre oo la hadlay BBC.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay inay hannaan daah-furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaradda ku yeelanayso kaalin kor joogteyn.

Xiriirradda ayaa horey dhowr jeer u sheegay in aanay waxba u diidaneyn wasaaradda, balse ay iyagu u madax-bannaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo xulalka u baxaya ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa gobolleedba, midaasi oo ay ganafka ku dhufatay wasaaradda.

Si kastaba, guul-darooyinkii u dambeeyay ee xulka qaranka iyo fadeexaddii sanadkii hore ka dhalatay gabadh loo xulay ciyaaraha oraddada ayaa buuq badan ka dhex abuurtay bulshada ciyaaraha xiiseysa ee gudaha dalka iyo dibadda.



Source link