Xogta hub kasoo gudbay xadka Itoobiya oo ku sigtay in la bililiqeysto + Cidda soo iibsatay

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya hub fara badan oo kasoo gudbay xadka Itoobiya, kaasi oo xalay ay isku dayeen dad shacab ah inay boobaan sidii kal horey uga dhacday dalka.

Hubkan oo qeyb ka tahay saanad ciidan ayaa la sheegay inuu maamulka Puntland kasoo iibsaday Itoobiya, ayaa waxaa saaka si nabad ah kusoo gudbiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka.

Ciidamada Puntland dheeriga ayaa gurmaday kadib markii maleeshiyaad hubaysan ay xalay isku dayeen in ay furtaan hubkaasi oo marayay degmada Bookh ee gobolka Doollo, balse ay ka difaaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowlad deegaanka Soomaalida.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaadka hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii hubka saarna ee u siday dhinaca Puntland.

Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka DDS, kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay.

Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe kordhisay hubka dhankeeda ka soo gudbaya ee soo galaya gudaha Soomaaliya, xilli ay labada dal ka dhaxeyso xiisad xooggan oo salka ku haysa is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi.

Horay waxaa loo ogaa in deegaanno ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug ay hub sidan oo uga soo gudbay xadka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaas oo halis hor leh abuuray.

Si kastaba, weli majirto war kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu masuul ka ah dalka iyo dowlad-goboleedka Puntland oo la sheegay in hubkaan uu kasoo iibsaday dowladda Itoobiya.



Source link