Xogta howl-gal culus oo DANAB ay ka fulisay J/Hoose, kuna furatay…

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal culus oo maanta ciidanka kumandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan dhaca gooblka Jubbada Hoose.

Howl-galkan oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ciidanka ku burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda Al-Shabaab

Ciidanka ayaa intii howl-galku socday waxay Al-Shabaab ka dileen maleeshiyad badan, sida ay warbaahinta dowladda u shegeen saraakiishii hoggaamineysay howl-galka.

Sidoo kale waxaa howl-galkan ay ciidanak DANAB ku furteen hubkii maleeshiyaadka la khaarajiyay, iyagoo soo bandhigay hubkaasi, oo ay sawiraddiisa baahisay warbaahinta dowladda.

Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada dhaca gobolka Jubbada Hoose ka socday howl-gallo lagu beegsanayo Shabaab-ka ku sugan halkaasi, ayada oo Isniinta ay dowladda dhexe baahisay in dagaal ka dhacay deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobolkasi lagu dilay 81 dagaal-yahaan oo ka tirsanaa kooxda.

Howl-galkaas ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaas, kadibna ay ciidanka ku guulaystay inay cagta mariyaan xubnihii weerarka soo qaaday, sida ay baahisay dowladda.

Ciidammadda ayaa howl-galkaas ku furtay hub aad u fara badan oo ay wateen Shababaka, kuwaasi oo ay kamid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa xaqiijisay inay ka go’an cirib-tirka kooxda Al-Shabaab, xilli dhawaan la filayo inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid.



Source link