Xogta heshiis xasaasi ah oo maanta ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo xarunta warbixinadda maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Ankara ku kala saxiixday heshiis is-faham oo muhiim ah.

Heshiiskan ayaa ku qotoma wada-shaqeyn dhex-mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal, kaas oo looga gol leeyahay adkeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada-shaqeynta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ay maanta saxiixdeen labada dhinac ayaa sidoo kale mid la iskaga kaashanayo ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).

Unugyada sirdoonka maaliyadda ee labada dal ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falan-qeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal.

Sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.

Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Xarunta warbixinadda maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.

Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ambassador Fadxudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Maxamed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.



Source link