Xogta gaari qarax sida iyo ninkii waday oo LIIDO lagu qabtay iyo qorshe halis ah oo fashilmay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa galabta qarxiyey gaari Baraado ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, ninkii waday gaarigaas ayaa nolosha lagu qabtay, saacado badan kadibna waxaa la qarxiyey gaarigii, balse waxaa ka dhashay khasaare xoog leh.

Gaarigaas ayaa xalay markii weerarku bilowday ku demay banaanka hore ee hoteellada ku yaalla Xeebta Liido, waxaana rasaas lagu furay ku dhaawacmay ninkii waday oo isagu rabay inuu is qarxiyo, balse qorshihiisii uu fashilmay.

Maanta oo dhan waxaa xireed wadada, maadaama gaarigaas qaraxa uu yaallay, goor dambe oo galabta ah ayaa la go’aansaday in la qarxiyo, waxaana halkaas yaallay gaadiid badan oo xalay looga cararay.

Dhamaan gaadiidkii goobta yaallay iyo guryihii ka agdhowaa goobta qaraxaasi yaalay ayaa burburay oo gubtay, waxaana qaraxaas oo si ku talagal ah loo qarxiyey ku gubatay in ka badan 10 gaari iyo guryo, balse lama soo werin khasaare nafeed.

Muuqaalo maanta laga soo duubay gaarigaas ayaa muujinaya in gudihiisa aysan waxaba ku xireyn, balse qeybta hoose ayaa looga soo rakibay qaraxa, waxaana muuqaalka la soo bandhigay laga arkayaa birweyn oo hoos uga xiran gaariga, taas oo qaraxu ku diyaarsanaa.

Galabta Makhribkii ayuu jawiga goobta caadi ku soo noqday, maadaama xalay dad badan lagu laayey, kadibna looga kala cararay gaariga qaraxa ah ee halkaas yaallay saacado badan, kaas oo ugu dambeyntii galabta la qarxiyey.

Dhimashada dadkii lagu beegsaday xeebta Liido ayaa la sheegay inay gaartay 40 qof, halka dhaawacyado ay gaarayaan in ka badan 70 qof, masuuliyiinta dowladda ayaa maanta gurmad ku tegay isbitaalada, halka dhalinyarada iyo ciidamada xoogga ay shubayeen dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiigbaxaya.

Shan dhagarqabe oo Shabaab ah ayaa weerarkaas fulisay, mid ayaa isku qarxiyey barxadda hore ee Xeebta Liido, kadibna 3 hubeysan ayaa gudaha u gashay hotelka, iyagoo geysanaya toogasho toos ah, balse goor dambe waxaa dilay ciidamada qaranka ee naftooda hurayaasha ah.

Ninkii 5-aad ayaa nolosha lagu qabtay, isagoo wada gaari Baraado ah oo qarax lagu soo rakibay, kadib markii askari ka shakiyey uu dhaawacay, nolosha ayaa lagu hayaa ninkaas, gaarigiina galabta ayaa halkiisii lagu qarxiyey, markii la ogaaday in aan la furfuri karin.

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qorsheysay in shacabka intii ka badbaada qaraxii ka dhacay xeebta iyo toogashada ka socotay gudaha Hotelka ay ku laayaan gaariga la dhigay banaanka hore ee irida laga galo barxadda Liido, balse qorshahaas oo halis ku ahaa shacabkii badbaaday ayaa ka fashilmay, kadib markii la dhaawacay ninkii waday gaarigaas oo nolosha lagu qabtay.



Source link