Xogta dekadda ay JABUUTI sheegtay inay siinayso Itoobiya

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) – Xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya, Masar iyo Itoobiya ayaa ku sii xoogaysanaysa gobolka geeska Afrika ka dib markii Masar ay gargaar military soo gaarsiiyey Soomaaliya afartan sano ka dib sida ay wakaalada wararka ee Rueters ay u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay.

Itoobiya ayaa muujisay sida ay uga soo horjeedo in ciidamado ka socda Masar ay yimaadaan Soomaaliya kuwaas oo ka mid noqda howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ka bilaabanaya Soomaaliya bilowga sanadka cusub.

Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xiriirkoodu xumaaday ka dib markii ay heshiis is afgarad ah wada saxiixdeen Itoobiya iyo Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland bishii janaayo ee sanadkan.

Itoobiya ayaa dhowr jeer mas’uuliyiinteedu sheegeen inay doonayaan inay galaangal ku yeeshaan gacanka cadmeed.

Wufuud kala matelaysa labada dal ayaa wareegyo wadahadallo ah ku yeeshay dalka Turkiga balse dhinacyada ayaan is arag wallow markii dambe wadahadalladu ay natiijo la,aan noqdeen.

Turkiga, Kenya iyo dalal saaxiib la ah labada dal ayaa isku dayey inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaara siiyey BBC-Focus on Africa ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan labada dal isagoo sidoo kale soo hadal qaaday dhex-dhexaadintii ay Jabuuti isku dayday.

Wuxuu sheegay in mowqif ahaan labada waddan ay aad u kala fogaayeen.

“Wax aan u baahanahay in aan ka fikirno waddahadallo meel dhexe la iskugu imaanayo oo miiska wadahadalka la iskugu yimaado iyadoo ay gacan ka geysanayaan Jabuuti, Kenya iyo dalalka kale ee gobolka, waxa aan u maleynayaa in ay gaari karaan isku tanaasul, laakin waxaa aas aas u ah wadahadalladan madaxbanaanida dalalka waa in la ixtiraamaa,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wuxuu intaa raaciyey wasiir Maxamuud “Waan muhiim in Soomaaliya la dhegeysto hadalkeeda iyo fariinteeda, waxa aan sidoo kale ku dhawnahay in aan usoo jeedino Itoobiya taas beddelkeeda marin badeedka ay doonayaan.”

Maxay tahay dekada Jabuuti ay siinayso Itoobiya?

Mar BBC-du waydiisay waxa uu yahay waxa ay Jabuuti ahaan u soo jeedinayaan itoobiya ayuu sheegay Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

“Waxaan siineeynaa maamulka 100% dekad iyo marin cusub oo horey loo dhisay, markaa in ay Ethiopia isticmaasho badda wax dhibaato ah uma aragno. Waxa ay noqon kartaa Dekadda Tajura taas oo 100 Km u jirta xadka Itoobiya, taas oo horey aan ugu soo jeedinay, waxa uu Madaxweyne Geelle sidaasi u sameeyay in Itoobiya iyo Soomaliya ay xal gaaraan oo ay joojiyaan xiisadda.”

Cabsida Jabuuti xiisadda oo sii korortay

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo la weydiiyey cabsida ay ka qabaan haddii ay xiisaddu sii weynaato iyo haddii amaan darro ay timaado in ay soo gaareyso Jabuuti.

Wuxuu sheegay in hore gobolka ay u saameeyeen kooxda Al-Shabaab, haddeerna la wajahayo weerarada kooxda Xuutiyiinta ee gacanka Cadan iyo marin biyoodka Baabul-Mandab.

“In kasta oo Jabuuti ay tahay dal deggan oo ammaan ah haddana ma dhihi karno xiisadaha ka taagan deriskeenu nama saameynayaan. Sida aan hore u sheegay dareen weyn ayaan ka qabnaa haddii ay dhibaatadaasi ay isku bedesho xiisad toos ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Jabuuti ayaa ugu baaqday labada dowladood iyo labada dalba in aanay hadallo ku sii hurrin xiisadda, wuxuuna intaa raaciyey inay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyagoo kaashanaya Kenya iyo dalalka kale ee gobolka.

“Waxa aan u safri donnaa Beijin maamlo gudahood halkaas oo aan haysano fursad ah in dhammaan hoggaamiyaasha aan kula kulmi doono halkaas. Waxa ay ila tahay waa fursad wanaagsan in Madaxweyne Geelle uu kula hadlo labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna isku dayi doona in uu abaabulo Kulan haddii suurtagal ay tahay in ay iskugu yimaadaan IGAD si looga wadahadlo dhibaatada habka ugu wanaagsan ee aan awoodno,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.



Source link