Xogta dagaal culus oo maanta dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka Itoobiya

Posted on

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo lale sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, ayna ka argagaxeen hubka culus ee ay is weydaarsadeen labada dhinac, kadib dagaalka ku dhex maray aaggaasi.

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday saldhigga ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya.

Gobollada Baay iyo Bako ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla halkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaanada Koonfur Galbeed oo uu ku wajahan yahay wajiga labaad ee dagaalka ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya.



Source link