Xizbullah oo weerar culus ku qaaday saldhig muhiim ah oo Israel ay leedahay

Posted on

Beirut (Wararka Maanta) – Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa shaaciyay inay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Isra’il.

Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda, gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka.

Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta.

Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo markii ay iyada iyo Israa’iil billaabeen inay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib markii ay Xamaas weerartay koofurta Israa’iil, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza.

Xisbullah ayaa sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joojiso dagaalka ay ka waddo Gaza.

Ciidanka Israa’iil ayaan weli war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan.

Weerarkan ayaa imanaya xilli dhex-dhexaadiyaasha Mareykanka, Reer Yurub iyo Carabta ay ku dadaalayaan in weerarada Israel iyo Xizbullah aanay u gudbin dagaal baahsan oo Bariga Dhexe ka dhaca, kaasi oo dunidu ay ka cabsi qabtay muddo billo ah.



Source link