Xisbullah oo ku soo biirtay dagaalka & Gantaalo ku hoobtay woqooyiga Isreal

Posted on

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahanadooda ay garaaceen tobanaan gantaal oo ah nooca Katyusha oo ay la beegsadeen xarumaha difaaca cirka ee ciidamada Israel ee ku yaala deegaanka Kaila ee buuraha Golan Heights.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in weerarka uu dhacay 12:35 caawa ee xilliga dalkaasi, lamana oga kharaasaha ka dhashay illaa hadda.

Dhinaca kale, Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa ku amray dadka degan dhowr qeybood oo ka tirsan waqooyiga Israa’iil in ay u dhawaadaan meelaha la ilaaliyo.

“Iyadoo la raacayo qiimeynta xaaladda, dadka deggan waqooyiga buuraha Golan Heights, aagga Nevatim, Dimona, iyo Eilat waxaa looga baahan yahay inay ku dhawaadaan meelaha gabadka ah ilaa ogeysiis dambe,” ayey tiri Israel

Xaalada Bariga dhexeayaa kacsan ka dib markii Iran ay dayuurada ana duuliyaha laheyn iyo gantaalo ku weerartay Israel

Source link