Xilliga ay dhaceyso doorashada Jubaland oo la shaaciyey iyo qorshe culus oo ka horeeya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Jubaland ayaa dhowaan u codeeyay wax ka bedel lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobada dastuurka Jubbaland, tallaabadaasi waxay sii xoojisay hubanti la’aan ka taagan doorashada maamulkaas, carada iyo walaaca mucaaradka ayaa cirka isku sii shareeray.

Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dowlad goboleedka Jubaland Bishaar Aadan ayaa markii ugu horeysay sheegay waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas oo wajaheysa hubanti la’aan weyn.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo BBC ay qabatay ayaa muddo ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey goorta ay dhaceyso doorashada maamulkiisa, balse markii dambe wuxuu sheegay in bisha 11-aad ay doorasho ka dhaceyso Jubbaland.

“Wakhti ay doorasho dhacayso wasiir ma sheego ee guddi doorasho ayaa sheega, taana qorsheheedu waa uu socdaa, madaxweyneheyga ayaa saxiixay in ay November doorasho dhacayso, sidaas ayuuna qorshuhu yahay,” ayuu yiri Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Jubaland.

Waxaa taagan muran ka dhashay wax ka badelka dastuurka, baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore u codeeyey in dastuurka Jubbaland laga saaro qodobkii xadidayey inta jeer ee xilka Madaxweynaha uu u tartami karo Axmed Madoobe oo hoggaanka maamulkaas hayey tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 10 sano ka hor.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaba in wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka maamulkaas ay tahay tallaabo khaldan oo aysan fileyn.

Sidoo kale mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay horseedi karto muddo kororsi uu sameyto Axmed Madoobe, waxay ku doodeen in muddo xileedkii baarlamaanka uu gabaabsi yahay oo bishii ugu dambeysay ay ku jiraan, sidoo kale waxay sheegeen in Axmed Madoobe uusan xaq u laheyn in mar kale uu u tartamo kursiga madaxweynaha.

Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbaday in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee doorashadu ay dhacayso.

Bisha soo socota ee Agoosto ayuu ku egyahay muddo xileedka Axmed Madoobe, mana socoto ififaalo muujineysa inuu doorasho qaba doono, balse wasiirkiisa ayaa sheegay in bisha November ay doorashada qabanayaan, doorashooyinka ka dhaca Jubbaland ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan xor aheyn oo Axmed Madoobe toos u maamulo.



Source link