Xildhibaano gudbiyay mooshin culus iyo arrinta ka dambeysa

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin culus oo deg-deg ah u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee ay soo rogtay dowladda.

In ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixan mooshinkan oo ay ku dalbanayaan in ajendaha kulankooda maanta lagu soo daro arrimaha canshuuraha iyo cabashada taagan.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa sharxay ujeedkooda iyo waxa ku saabsan yahay mooshinka.

“Waxaan soo jeedineynaa in ajendaha lagu daro in wax la’iska waydiiyo canshuuraha laga cowday iyo xal u raadinta cabashada ganacsatada iyo shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka.

Sidoo kale xildhibaan Garaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkan ay ku garab istaagaan shacabka, maadaama ay ka cabanayaan canshuuraha cusub ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaliya.

“Arrintaan waa arrin dareen bulsho dareenka bulshana wa metalaad dhab ah waxaan filaayaa buuqa ka taagan gobolka Banaadir ee arrimaha ganacsiga quseeya inay tahay arrimo aad dhaliishooda u leh” ayuu isna yiri Xildhibaan Garaad oo kamid ah Golaha.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

Si kastaba, arrimahan aya kusoo aadayo xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.



Source link