Xildhibaanno codsaday in xarunta ay ku shiraan looga dhax sameeyo goob ay isku qurxiyaan

Posted on




Xildhibaannada haweenka ah ee katirsan Baarlamaanka dalka Uganda ayaa codsaday in xarunta ay ku shiraan looga dhax furo qol gaar ah ay haweenka isku qurxiyaan , si ay sare ugu qaadaan bilicdooda.

Xarunta Baarlamaanka dalka Uganda ayaa dhawaan laga dhax furay goob gaar ah oo jimicsi ama gym lagu sameeyo, waxa ayna xildhibaannada haweenka ah sheegeen in ay u baahan yihiin marka ay jiimka sameeyaan xarun ay tinta ku quruxsadaan.

Wasiirka Biyaha iyo Deegaanka ee dowladda Uganda ayaa waxay sheegtay in muhiim tahay in ay helaan haweenka xildhibaannada ah goob ay isku qurxiyaan, waxa ayna xustay in goobtaasi xildhibaannada haweenka ah ay ka caawin doonto in ay is hagaajiyaan.

Xildhibaannada haweenka ee Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa ku andacootay haddii ay sameeyaan jimicsi in ay tintooda isku dhax yaaceyso ayna u baahan yihiin in ay helaan goob ay isku qurxiyaan iskuna hagaajiyaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link