Xildhibaannada mucaaradka oo qaylo dhaan kasoo saaray arrintii maanta ee BF

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ayaa ka horyimid tallaabadii uu maanta qaaday madaxweynaha Soomaaliya oo codsi u gudbiyay labada Gole.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaannada inay kalfadhiggooda  ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.

“Waxaab ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intaasi kadib waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horreeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan, laakiin waxaa jirtay buuq hareeyay kulanka oo sameeyeen xildhibaannada kasoo horjeedo baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha.

“Dadka guul-wadeynaayay oo sacbinaayay waxaa lasoo siiyay wasiirro niic ah, danahooda ayay fiirsanaayeen” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Waxaa kale oo uu yiri “Danaha shacabka Soomaaliyeed xildhibaannada u doodayay waxaa dhegaha ka fureystay Aadan Madoobe, waxayna arrintaas dhibaato u keeni doontaa baarlamaanka”

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah.

“Waaqaca ayaa diiday mana hir galidoonto doorasho Qof iyo Cod ah,Hortiis jiraa waayay” Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.



Source link