Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka cusub ee ka dhashay doorashooyinka, waxayna taageero u muujiyeen Jubbaland.
Warsaxaafadeedkan oo ay si wadajir usoo saareen illaa 26 xildhibaan oo kasoo jeedo Puntland ayaa waxaa garab istaag loogu muujiyay Jubbaland oo haatan khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, waxayna soo dhaweeyeen doorashada ay galeyso.
“Waxaan si buuxda u garab u taaganahay in dowladda Jubbaland ay qabsato doorashooyinkeeda si waafaqsan dastuurka DFS qodobkiisa 120-aad iyo dastuurka iyo xeerarka iyaga u degsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xildhibaannada.
Sidoo kale waxa ay taageereen warsaxaafadeed shalay kasoo baxay xildhibaannada dhigooda ee laga soo doorto Jubbaland oo qaadacay tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya oo haatan guda galay diyaarinta xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka.
Waxa ay warmurtiyoodkooda ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn arrin ay ku tilmaameen juub juub oo la rabo in si sharci darro ah lagu marsado goleyaasha sharci dejinta federaalka sharciyada guddiga doorashooyinka, axsaabta iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhamman baalmarsan dastuurkii ay dadka ku heshiiyeen August 1, 2012.
Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ayaa sidoo kale diiday dhismaha guddiga labada Aqal ee loo xilsaaray soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka, kaas oo uu hoggaaminayo xildhibaan Mahdi Guuleed.
Sidoo kale waxa ay dowladda dhexe ugu baaqeen inay joojiso siyaasadeynta mashaariicda dalka, iyaga oo ka digay inay isticmaasho cunaqabateyn ka dhan ah maamullada kasoo horjeedo.
Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyaa dowladda federaalka ah, kaas oo salka ku hayo dastuurka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka