Xildhibaannada kasoo jeeda HirShabelle oo baajiyay kulankii maanta ee BF + Sababta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa baaqday, kadib markii ay xaadiri waayeen xildhibaannada kasoo jeedo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sababta uu u baaqday kulankan oo kamid ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriirtO kooram la’aan, kadib markii ay maqnaadeen inta badan xildhibaannada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlaamka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa shaca ka qaaday in xildhibaannada aaday HirShabelle dartood uu u baaqday kulankooda, kuwaas oo aanan saxiixin kooramka, wuxuuna tilmaamay inay aadeen xaflad caawa ka dhaceysa magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

“Xildhibaanno aad ayaad u mahadsan tihiin, inta maanta soo xaadirtay kooramka intaan waxaa gaarsiiyay xildhibaannadii HirShabelle maanta aaday, sidoo kale guddigii maaliyadda ayaa Nairobi ku maqan siminaar ayuu jiraa” ayuu yiri Abshirow.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Shalay waxaan isku ogeyn xildhibaannada HirShabelle aadaayo inay saaka kooramka saxiixaan qayb oo kaliya ayaa ka saxiixday, qaybna ma saxiixin”.

Abshirow oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inay baaqato shaqadii baarlamaanka, xildhibaannaduna ay iska aadeen xaflado iyo dabaal-deg.

“Aad ayaa uga xunahay inay socon wayso shaqadii baarlamaanka oo xildhibaannadii ay maqan yihiin shaqadiina naga baaqatay” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenku.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada.



Source link