Xildhibaanadii maanta taageeray Itoobiya oo lagu taliyey in xasaanada laga xayuubiyo

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Bashiir Macallin Cali ayaa ka hadlay taageeradii gobolka Bakool looga muujiyey damaca guracan ee dowladda Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaanadii maanta taageeray joogitaanka Ciidanka Itoobiya, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed  Soomaaliya.

Agaasime Bashiir ayaa sheegay in waligeed ay jiri jireen shisheeye kalkaal, kuwaas oo lahaa magacyo kala duwan, wuxuuna yiri “Waligeed-ba way jiri-jireen Shisheeye Kalkaalka u shaqeeya cadawga, waxayna lahaayeen magacyo Iyo sifooyin lagu garto, sida Calooshiis u shaqeyste, Shisheeye Kalkaal, Khaa’inul wadan Iyo Kuwa jaajuuska u ah Amxaarada.”

Agaasimaha ayaa dadkii u soo banaan baxay taageerada Itoobiya ku sifeeyey inay yihiin “KHAA’INUL WADAN” iyo dhammaan magacyada xun-xun ee loo yaqaanno Calooshood u shaqeystayaasha jaajuusiinta u ah Itoobiya.

Sido kale Agaasime Bashiir ayaa ugu baaqay guddoonka labada Aqal ee BFS in Xildhibaannada maanta taageeray Itoobiya inay mariyaan xeer-hoosaad-ka, kana qaadaan xassanadda ay ku ganbanayaan jawaasiista Itoobiya, si loo hor-geeyo sharciga.

Wuxuu Agaasimaha sido kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku baraarugaan, iskana qabtaan Khaa’inul wadanka u shaqeeya Itoobiya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu agaasimaha soo dhigay bartiisa Facebook:

Waligeed-ba way jiri-jireen Shisheeye Kalkaalka u shaqeeya cadawga, waxayna lahaayeen magacyo Iyo sifooyin lagu garto Calooshiis u shaqeyste,Shisheeye Kalkaal, Khaa’inul wadan Iyo Kuwa jaajuuska u ah Amxaarada.

Kuwa maanta; Banaanka lasoo istaagay inay taageersan yihiin Itoobiyaanka ayna jecelyihiin Amxaarada Cadawgeenna ah waxay ku sifoobeen “KHAA’INUL WADAN-NIMO”  iyo dhamaan magacyada  xun-xun ee loo yaqaanno Calooshood u shaqeystayaasha jaajuusiinta u ah Itoobiya, iyagoo bar-madow ku ah BFS.

Waxaa nasiib darro ah sido kalana nasab xuma ah in qof Soomaali ah uu taageero cadawga Itoobiya oo aan ognahay damacooda waallida ah ay ku doonayaan qaadashada Badda Iyo Barriga Soomaaliya.

Waxaa waajib ku ah Guddoonka Labada aqal ee BFS inay mariyaan xeer-hoosaad-ka kana qaadaan xassanadda ay ku ganbanayaan jawaasiista Itoobiya si loo hor-geeyo sharciga.

Waxaan Shacabka Soomaliyeed ku baraarujinayaa inay Iska qabtaan Khaa’inul wadanka u shaqeeya Itoobiya.



Source link