Xildhibaanada mucaaradka ee barlamanka oo soo saaray go’aanno culus (Daawo)

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda mucaaradka ah ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay kusoo aadiyeen furitaanka kalfadhigooda 5-aad.

Xildhibaannadan oo sheegay inay shilrar ku yeesheen Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen wax-qabad la’aan.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen in la joogo waqtigii isla xisaabtanka, meeshana looga saari lahaa isku milanka baarlamaanka iyo xukuumadda.

“Kadib kulamo in muddo ah u socday xildhibaanno badan oo ka tirsan labada gole ee BFS ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in la gaaray xilligii si dhab loo sixi lahaa isku milanka taaba galay hay’adaha fulinta iyo xeer dajinta, taas oo ay ugu wacnayd guddoonka baarlamaanka oo garan waayay shaqadii ahayd in lala xisaabtamo xukuumadda ” ayuu yiri.

Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la marin habaabiyay shaqadii muhiimka ahayd ee wasaaradda arrimaha dibadda, ayan jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lasoo galay.

“Waxay hay’adda fulinta marin habaabisay siyaasadii arrimaha dibadda waxay xukuumaddu gashay heshiisyo caalami ah oo aan loo marin dariiiqii sharcigaa ahaa” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaa la baabi’iyay ciidamadii qalabka sida, waxaana cadowga loo loogay saraakiil geesiyaal ahaa, taas oo Soomaalida oo dhan ay marqaati ka tahay”.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in uu kasii daray musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda, ayna jiraan shirkado gaar ah oo lagu wareejiyay shaqadii laga rabay dowladda.

“Waxaa laba lixaadsaday musuq-maasuqa hay’adaha dowladda dhexdooda, ayada oo la abuuray shirkado gaar loo leeyahay oo aan ku imaan hab daah-furan, kuwaas oo qabanayo adeegyadii ay dowladda u xilsaarnayd, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu naas nuujiyo shaqsiyaad saaxib gaar ah la ah madaxda dalka” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Macallimuu.

Ugu dambeyn waxay xildhibaannadan hoosta ka xariiqeen in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza oo ku fashilinatay shaqadii loo igmaday iyo ballan-qaadyadii ay horay u horgeysay baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Xukuumadda fadhiidka ah ee isku magacowday Dan-qaran ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa ay ku guul darreysatay hirgelinta ballanqaadyadii iyo qorshayaasha ay laba sano kahor soo hordhigeen baarlamaanka Soomaaliya” ayuu kusii daray xildhibaanku



Source link