Xildhibaan Yuusuf Geelle oo u jawaabay Odayaasha Hawiye

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo ka horyimid dadaal ay isaga iyo xildhibaanno kale sameeyeen kuna raalligeliyeen xildhibaannada Koonfur Galbeed.

Yuusuf Geelle ayaa marka hore raalligelin buuxda siiyay, wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu ahaa in la’isku soo dhowaado oo si deganaan ah loo dhameeyo muranka taagan.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxqabadkii maalmahan aan ka shaqeyneynay annaga oo u istaagnay aniga iyo xildhibaanno kale in mad-madow aan dhammeyno oo ka dhex jiray baarlamaanka ayaa haddane arrintaas waxa ay keentay dhinaca kale teamka kale oo odayaal ah inay si kale u arkaan” ayuu yiri Xildhibaan YuusuF Geelle Ugaas.

Sidoo kale wuxuu sii intaasi sii raaciyay ‘Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed hortooda raalligelin ka siiyo odayaashaas oo ah odayaasheennii wax kasta oo ay dhibsadeen oo shaqada aan ka shaqeyneynay ay ka dhibsadeen waxaan rabnaa inaan ka raalligelino”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta badda, wuxuuna farriin culus oo midnimo ah u diray xildhibaannada labada Gole oo uu ugu baaqay inay midoobaan difaada dalka.

Abiy Axmed baarlamaankiisa ayaa waxa uu ka dhaadhicinayaa inuu dhulkeenna qabsado saas darteed baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa inaanan ku kala qaybsamin inaan badda difaano oo dalka iyo dadka aan Itoobiya ka difaacno” ayuu mar kale yiri.

Odayaasha Beelaha Hawiye oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid dhaq-dhaqaaqa xildhibaannada ee ka socda caasimada, waxay si gaar ah u diideen in raalligelin la siiyo xildhibaannadii horay u taageeray Itoobiya.

“Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Hawiye kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu horay u yiri afhayeenka Beelaha Hawiye.

Waxaa kale oo kusii daray “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.



Source link