Xildhibaan Saabir Shuuriye eedeyn yaab leh oo hubkii la xiriirta u jeediyey Qoor Qoor

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan golaha shacabka ayaa si toos ah hubkii lagu dhacay Caabudwaaq ugu eedeeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo ugu hanjabay in mar dhow Galmudug ay ka samey doonaan is bedel deg deg.

Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu adeegsanayo dhalinyaro Facebook isticmaasha, isagoo sumcad dilaya musharaxiin iyo masuuliyiin kale.

Saabir ayaa qoraalkaan uu soo saaray ku sheegay in Qoor Qoor oo watigiisii dhamaaday mar hore uu dacaayad ku bixinayo dhaqaalihii dadka reer Galmudug, “Kuleylkaas waxaa ka keenaya rajo beelka  heysta,” ayuu yiri Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanka:

Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada.

Waa nasiib daro iyo maan gaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo.

Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo.

Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin.

IN AAN JOOGO JECLAAYEE hortaa ayaa la waayey.



Source link