Xildhibaan dalab culus ka soo saaray xilka wasiirrada gaashaandhigga iyo qoyska

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta)- Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid ayaa ka hadlay xilka wasaaradda Qoyska ee loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe, isagoo ku taliyey in lagu bedelo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in wasiirka gaashaandhigga la geeyo wasaaradda Qoyska oo hadda loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe.

Sidoo kale Xildhibaan Ciid ayaa ku taliyey wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur loo soo wareejiyo wasaaradda Qoyska, isagoo ku tilmaamay nin aan qibrad u laheyn arrimaha ciidanka ee loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo.

“Adduunka dhan ayaa nala yaaban, ciidankii waxaa loo dhiibay nin aan qibrad u laheyn, halka Jeneraalkii ugu sareeyey ciidamada loo dhiibay wasaaradda haweenka, madaxweynaha hadii ay taladeydu gaarto waxaan leeyahay isku bedel labadaas nin,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa si adag uga hadlay dhulka ay dowladdu ka kicineyso qoysaskii deganaa, isagoo ku goodiyey in dhulkii dad masaakiin ah laga kiciyo aysan dowladdu ku nacfi doonin.

“Arrinta dhulka waan ka hadalnay, mooshin waa ka keenay, waxaana ka soo saari doonaa sharciyad adag, ninkii iibsada dhul danguud ah, ha ogaado xukuumadaan waa bixi doontaa tan dambe oo imaa doontana waa ka soo celineysaa,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka oo madaxweynuhu uu wato qorshaheeda isagoo sheegay in caqabado deg deg ah ay ka dhasheen, sida in mid kamid ah beelaha uu kula heshiiyey in kursi ra’iisul wasaare ku xigeen labaad uu siinayo, balse beel kale ay ku qabsatay, halka beel kalena ay dalbatay ra’iisul wasaare ku xigeen 3-aad.

“Waxa laga shaqeynayo dowladnimo maaha, maalinkii hubka Caabudwaaq lagu boobay ayaa aragiisa u dambeysay madaxweynaha, waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in godka uu galay uu ka soo baxo oo dowladnimadaan qarka ka sii dhaceysa uu badbaadiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Ciid.

Hoos ka daawo



Source link