Xeer ilaaliyaha guud oo amar culus ka soo saaray weerarkii Xabsiga Dhexe

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, isagoo dalbaday in Taliska Asluubta Soomaaliyeed uu jawaab deg deg ah ka bixiyo qaladkii dhacay.

Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa dalbaday i la sameeyo baaritaan deg deg oo la keeno warbixin dhameystiran, “waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe, mana aheyn arrin la filayey,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxda xabsiga iyo taliyaha waxaan farayaa in si deg deg ah ay arrintaas warbixin uga keenaan, waxaan looma dul qaada karo, waana la xisaabtami doonaa cidii qaladkaasi ka dhacay.”

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa carabka ku adkeeyey in qalalaase noocaas ah aan mar dambe loo dulqaada karin inuu ka dhaco xabsiga dhexe oo maxaabiis badan ay ku xiran yihiin, kuwaas oo xaq u leh in ammaankooda la sugo.

“Cidii masuulka ka aheyd goobta uu falkaasi ka dhacay waa la xisaabtami doonaa, hey’adaheenu waa inay ka baxaam jileeca, jileec dowladeed ayaa jira, laakiin waxaan oo kale lama aqbali karo, waana in jawaab cad laga bixiyaa,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

5 maxbuus oo loo heystay Shabaabnimo, laguna xukumay dil toogasho ah ayaa geystay weerarkaas, kuwaas oo la toogtay daqiiqado badan kadib markii ay weerarka bilaabeen, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Sidoo kale 3 askari ayaa ku dhimatay howlgalkii lagu soo afjaray kooxdaas, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Afhayeen Cabdiqani.

Maxaabiistii kale ee xabsiga qeybihiisa kale ku jirtay ayuu sidoo kale khasaare gaaray, waxaana dhaawac soo gaaray 18 maxbuus oo dembiyo kala duwan u xiraa, sida lagu xaqiijiyey warbixinta afhayeenka.

Waa markii labaad oo xabsiga dhexe ay maxaabiis ka dhex dagaalantay, 2020-kii ayuu dhacay fal noocaan oo kale ah, xiligaas waxaa baxsaday rag ka tirsanaa argagixsada Al-Shabaab, balse maanta waxaa la xaqiijiyey in wax maxaabiis ah aysan baxsan.

Hoos ka daawo



Source link