Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Nairobi (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi ee wadanka  Kenya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo  Wasiirka difaaca wadankaasi  Aadan Barre Ducaale iyo xubno kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika uga qeyb galaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer Madaxweyne ayaa waxaa sannadkan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee dalalka Afrika ay ka mid tahay Soomaaliya oo soo kabasho ku jirta.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona qaar badan oo ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Africa iyo masuuliyiintaa Banka horumarinta ee qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda taas oo keentay in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa, isla markaana hay’adaha dhaqaalaha ee Adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan Dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta Maaliyadda.




Source link