Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay shiidka ka jira magaalada

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka.

Qormadeena qeybtaan waxaan ku soo qaada doonaa arrinta dhaqaalaha sidii uu uga hadlay madaxweynuhu, isagoo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar.

“Kuwiina shiidka ka cabanaya ma arkaan miyaa hormarkaas, aada halkaas ayuu dhaqaalihii idinka jiraa, inkama jiro wado qaldan, dadkeenu ma gaarin sidii aan rabnay, laakiin waxaa jira hormar weyn iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo khudbadaan ka jeediyey masjidka Madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib ayaa sidoo kale sheegay in deeqihii caalamku sii jiray Soomaaliya ay sidoodii u socdaan oo hadda uusan jirin dhaqaale dalku lumiyey ama ka xayiran.

“Dadkeenu waa fakhri oo waa ognahay, laakiin hadana dhaqaalaheenu wuxuu kobcay in ka badan 50% weli meeshii aan rabnay ma gaarin, balse tartiib ayaa loo gaarayaa, waana arkeysaan waxa dhismayaal iyo mashaariic dalka ka socda ee yaan la dhageysa wiil yar oo baraha bulshada kasoo qeylinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo



Source link